Daawo Muuqalka”Xisbiyada KULMIYE, UCID, WADDANI Iyo Xukuumadda Oo Isku Weeraray Ceerigaabo Bilawga Diiwaangelinta
July 17, 2016 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Iyadoo ay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland Sabtida Berri si rasmi ah uga bilaabmayso, ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KUKLMIYE ku eedeeyeen Anshax-jebin iyo Olole inuu ku kacay markii Wefti Xisbigaas ka socdaa gaadheen Ceerigaabo iyo deegaannada ka sokeeya. Hase-yeeshee, WADDANI ayaa deedifeeyey eedayntaas.
Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ayaa arrintaas ka hadlay, isla markaana labada Xisbi ee kale ugu baaqay inaanay ku dayannin Tallaabooyinka Xisbiga WADDANI, waxaanu sheegay inay Xukuumad ahaan il-dhaw ku eegi doonaan tallaabooyinka Xisbiyada maaddaama oo aan olole doorasho wakhtigiisii la gaadhin, iyadoo go’aan ka gaadhista ficillada Xisbiyada ay masuul ka yihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Anshaxa ee arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta.