Dawlada Maraykanka Oo Hub Iyo Gadiid Malaayiin Dollar Ah Ku Wareejisay Ciidamada Somaliya!
January 11, 2023 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa saanad ciidan oo isku jirto hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale, qeyma ahaan dhan 9 milyan oo dollar ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) xaflad Axadii 8-dii Janaayo ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André.
