Agaasimihii Wasaarada Maaliyada Maxamed Cabdi Gurxan Oo Xilkii Uu Ka Qaaday Madaxweyne Muuse Biixi
January 14, 2023 - Written by admin
WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /01/2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/WM/222/1-978012023 iyo JSL/XM/WM/222-981/012023, JSL/XM/WM/222-982/012023 uu xilka qaadis, Bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Maxamed Cabdi Gurxan,
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
1. In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
2. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.