Madaxwaynaha Dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamud Oo Furay Shirwaynaha Culimada Iyo Nuxurka Arimaha Lagaga Hadli Doono
January 24, 2023 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha somaliya xasan sheikh maxamuud ayaa maanta magaalada muqdisho ka daahfuray shirwaynaha culimada somaliya kaasi oo socon doono mudo sedex cisho ah
Waxaana furitaankii shirkan iyo Arimaha lagaga hadli doono faah faahin ka bixiyay wasiirka diinta iyo awqaafta somaliya sheikh mukhtaar roobow iyo culimo kale
Dhanka kale madaxwayne xasan sheikh ayaa hadlay muhiimada uu leeyahay shirka culimada iyo arimaha ay muhiimka tagay in diirada lagu saaro.