Madaxweynaha Turkeyga Erdogan oo Dawlada Maraykank ka Codsaday in ay u soo Gacan Geliyaan Fathullah Gulen.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inuu si deg deg ah ugu soo wareejiyo Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay.
Erdogan oo meel fagaare ah kala hadlayay kumanaan taageerayaal isugu soo baxay magaalada Ankara ayaa ku eedeeyay Fathullah Gulen inuu maleegay afgambiga, waxaana uu ka codsaday mareykanka inuu ku soo wareejiyo.