Doon Xoolo Ka Qaaday Xalay Dekeda Berbera oo Dagtay Iyo 11 Qof oo Saarnaa Oo Raq Iyo Ruuxba La Layahay
January 30, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Doonta oo Magaceedu ahaa Marwa ayaa xalay 11-kii habeenimo ka goosatay Dekeda Berbera iyadoo kusii jeeda Dalka Yemen gaar Dekeda Mukha waxaanay Qaaday xoolo Isugu Jira Lo, iyo dhan 311 Dibi iyo 1468 Adhiya.
Wakiilka Doonta Cabdi Cali Warsame(Cabdi Qarax)aan wareysi la yeelanay ayaa sheegay inay Doontu dagtay Markay dekeda Berbera kasii maqnayd Masaafo dhan 50 Meyl waxaana Saaka 10-kii Subaxnimo tilifoonka turayada kasoo hadlay Naakhuudaha Doonta oo gurmad dalbaday dabaylo xoog leh oo doonta jahada ka lumiyay Awgeed iyo xaalada socdaalka oo ku adkaatay, Doonta waxa saarnaa 10 shaqaale ah iyo Hal nin oo Rakaab ah 9 kamidi waxay ahaayeen Yemeniyiin halka labada kalena ahaayeen Somali.