berberatoday.com
Golaha Guurtidda Dalka Faransiiska Oo Ka Hadlay Heshiiska Iskaashi Ee Somaliland Iyo Maraykanka!
February 6, 2023 - Written by admin

Paris(Berberatoday.com)-Safiirka JSL Ufadhiya dalka Faransiiska Md. Cabdiraxmaan Yaasin Maxamed oo kulan la yeeshay guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee golaha guurtida Faransiiska ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada xeerka iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland ee Baarlamaanku ansixiyey.

 

Gudoomiye-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee Aqalka Guurtida Faransiiska Md. Olivier Cadic ayaa sheegay inuu kulan kala yeeshay Safiirka Somaliland xeerkii Baarlamaanka Maraykanku ansixiyey.

Qoraal kooban oo Gud-xigeenka Cadic bartiisa FB-ga shalay ku baahiyey oo u kaga hadlay kulanka dhexmaray Safiirka Somaliland Md. Cabdiraxmaan iyo ujeedadiisa ayaa u dhignaa sidan;

“Waraysi aan xafiiskayga kula yeeshay Cabdiraxman Yassin Maxamed, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ka wada hadalnay ansixinta xeerkii Congress-ka Maraykanka oo muujinaya muhimadda ay leedahay in la taageero dimuqraadiyadda Geeska Afrika.

Sidoo kale Gudoomiye-xigeen Cadic ayaa ku sheegay bartiisa twitter inuu xidhiidhka laba geesoodka ka wada hadleen wadammo Somaliland ku jirto.

Safiir Cabdiraxmaan oo bedelay Safiirkii hore JSL u fadhiyey dalka Faransiiska Md. Cali Xassan ayaa la saadaalinayaa inuu sii horumariyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews