Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Golaha Wasiirada Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay Ee ku Waajahan Xaalada Laascanood! “
February 7, 2023 - Written by admin
“Goluhu Waxa Uu Shacabka Iyo Beesha Caalamkaba Ku war-Gelinayaa, Inuu Qaranka Somaliland Dagaal Kula Jiro kooxo Argagixiso Caalami Ah, Oo In Muddo Falal Amni Daro ka Maleegayey Gudaha Laascaanood”Xukuumada Jsl,
WAR-SAXAAFADEED.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo galabta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, shirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirkaas oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta xaaladda ka taagan Laascaanood.