berberatoday.com
Hogaamiye Al-Shabaab Ah Oo Isku Bedelay Horjoogaha SSC, Horena Ugu Baaqay Dagaal Uu Ku Soo Qaadayo Somaliland.
February 12, 2023 - Written by admin
Hargaysa(Berberatoday.com)-Cabdi Madoobe oo ahaa hogaamiye ka tirsan Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu dagaal ku qaadi doonaan ciidanka iyo xukuumada Somaliland.
Muuqaal shir jaraa’id uu Cabdi Madoobe qabtay maalintii Sabtida 31 December 2022 ayaa muujinaya in argagxisada Al Shabaab iyo kooxda SSC muddo hore sii qorsheysteen inay burburiyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, taasoo caddeyn u ah gacantooda rabshadahii ka dhacay magaalada Laascaanod.
Hogaamiyaha kooxda Al Shabaab Cabdi Madoobe oo hore shacabka Somaliland iyo beesha caalamku aanay wax xogo ah ka hayn joogitaankiisa Somaliland ayaa shirkan qabtay isagoo xidhay shaadhka hogaamiye kooxda SSC ah, uuguna baaqay shacabka deegaanada inay hubka qaataan una diyaargaroobaan dagaal ay la galaan ciidamada Somaliland, maalin ka dib markii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi caalamka u sheegay in rabshada ay ka dambeeyaan argaxisada caalamiga ah.
Argagxisada shabaab oo shaadh SSC xidhay ayaa iclaamiyey inay dagaal ku qaadi doonaan Somaliland, isla markaana ka xoreeyaan deegaamadooda.
Waxuu dhamaan bulshada deegaanada ugu baaqay inay ka qeybqaataan halgan lagu xoreynayo deegaamadooda
“dhalinyaradu waa inay qaataan hubka, ganacsatada, culimada iyo haweenka waa inay doorkooda ka qaataan” ayuu kaga baaqayaa hogaamiyaha kooxda Shabaab Cabdi Madoobe muuqaalka.
Muuqaalka oo ay ka soo muuqdeen ciidamo kala duwan iyo hubkooda ayaa badandoodu wejiyadoodu qarsoonaa, taasoo ah calaamad muujinaysa inay yihiin xubno ururada argagxisada Al Shabaab ka tirsan.
Hadalka hogaamiyaha shabaab oo shan daqiiqadood soconaya ayaa dhamanatii u muuqda mid uu qorshahooda dagaal ugu raadinayo taageero dhaqaale gudaha iyo caalamka.
Warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.
May be an image of 2 people and outdoors

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews