Shaqaalaha Stevadoranes-ka Dekeda Berbera oo Shirkada Dp World Kaga Cawday Tacdi Shaqo, Xuquuq Kamaqan Iyo Qeybo Kamida Heshiis Lala Galay oo Aan Fulin.
February 22, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Abaara 10-kii Subaxnimo ee saaka Qeybo kamida Shaqaalaha gacanta kashaqeeya ee loo Yaqaan Stevadorans-ka ayaa isu soo bax salmiya Ay ku muujinayaan cabasho ay shirkada Dp World Kaqabaan Isugu soo baxay Xafiisyada Maamulka ee Dekeda Cusub ay shirkadu kasameysatay sida Ay Warbaahinta Berbera Media Inc uxaqiijiyeen Xubno kamida shaqalahaasi oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xuso.
Shaqaalaha cabanaayay ayaa sigaara uga cawday Haweenayda Madaxa Shaqaalaha u ah shirkad Dp World oo lagu magacaabo Hanan oo udhalatay Dalka Masar mudo 7 sano ah Dekeda Berbera Kashaqeynaysay iyagoo sheegay shaqaaluhu inay Culays xad Dhaafa kuhayso gabadhaasi shaqalaha Una diyaarsantahay inay Shaqada ka caydhiso iyadoo qaab maamul ku muquuninaysa.
Cabashada ay shaqaalahani qabaan ayay kusoo Ururiyeen qodobo dhawr ah oo kala ah heshiskii ay kala Saxeexdeen shaqalaaha iyo Dp World oo qeybo kamida ay sheegeen inaanay fulin. Tacadi Ay haweenayda Madaxa Shaqaalaha Ahi kuhayso, Qoondadii Caafimaadka ee shaqaalaha oo lagu Koobay qofka shaqeynaya oo kaliya aan loogu Darin Qoyskiisa sida shaqaalaha Ajaanabka ah ee Lashaqeeya, heshiiskoo ay sheegeen inuu kujiray Qodob dhigaya in loo kordhinayo Mushaharka Shaqalaha markuu dhaqaaluhu kor ukaco iyagoo Ku doodaya inay yihiin mishiinka soo saara Dhaqaalaha oo waayadan dambe si xawliya kor ugu kacay,
Habsanka shaqaalaha oo lacag ahaana looga jaro Maalinka uu habsaamo qofka shaqaalaha ahi iyadoo musharkiisa 30 maalmood loo qeybinayo Ayaa hadana loo tirinayaa Habsankiisa oo markuu sanadkii gaadho 18 habsan qofka shaqaalahi Shaqada laga eryo Waxaanay taas kaga doodayaan kol hadii Lacag ahaan habsanka looga jaray inaan lagu eryi Karin xeer iyo qeynuun kaloo Banaynayaana aanu jirin.
Shaqaalaha isu soo baxa salmiga ah sameeyay Maanta ayaa kulan la qaatay Madax Shirkada Dp World ee Afrika Supa Chai ninka lagu magacaabo oo horena u ahaa Maareyaha guud ee Dp World Berbera oo hada udalcay xilkan cusub inta badan Berbera jooga waxaana kulankan qeyb ka ahaa Ciise Cali Hangoole oo hore ahaa Gudoomiyaha Shaqalaalah Stevadoranska oo Hadana kamida saraakiisha Dp World hase Yeeshee aan haynin shaqadii uu hore uhayn jiray balse maanta laga Fursan waayay markii Cabasho isu soo bax keentay,
Shaqaalaha ayaa ku goodiyay inay doonayaan 5 sano ay Dp World ushaqeynayeen xaquuqdoodii shaqaalenimo in Lasiiyo heshiiskana laga noqdo maadama uu Dhigayo in laga noqon karo hadiiba uu ufuliwaayo Sidii lagu heshiiyay sidoo kale Waxay xuseen In shaqaale 100 kudhaw oo Shaqaalihooda kamida sife muquunina oo Xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ahiba Aanay Dhigayn shaqada Looga Caydhiyay
Madax shirkada Dp World Supa Chai oo Cabashada shaqaalaha Dhageystay ayaa ka Dalbaday inay gudi kooban iska soo saaraan si cabashada looga wada hadlo Waxaana loo balamay maalinta beriya kulan labaad sida ay noo Xaqiijiyeen xubno kamida shaqaaluhu.