Dhakhaatiir Katirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadda Difaaca Ee Dalka Itoobiya!
March 27, 2023 - Written by admin
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland soona gadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan, ayaa u dhignaa sidan.
Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 25, sannadka 2023 Jaamacadda Difaaca ee dalka Itoobiya ka soo baxay, kana qalinjebiyey dhakhaatiir ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhmmeystay shahaadada koowaad iyo labaad, sidoo kale waxa maanta isla jaamacadaasi ka qalinjebiyey Saraakiil bartay Injineernimada.

