Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Iyo Bahda Aqoonyahanka Ee Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.
April 4, 2023 - Written by admin
DHAMBAAL TACSI AH:
INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay, AHN Wasiirkii hore ee Warfaafinta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), oo maanta galabtii ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
