“Taallo Dad Soomaaliyeed Bahdilaysa Maanaan Dhisin, Mana Dhisayno, Taallooyin Haddii La dhisayo Waxaa Loo Dhisi Doonaa..”Madaxwayne Cagjar.
April 9, 2023 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar “Mustafe Cagjar” oo ka qaybgalay Munaasibad lagu xusayay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay xaaladihii kala duwanaa iyo dhibaatooyinkii horey degaanka usoo maray.
