Somali Tiradoodu Gaadhayso 200 Qof oo Lacago Kumaan Dollar Ah Looga Qaatay Safar Diyaaradeed oo Latin America Ah oo Ku Xayiran oo Ku Xayiran Madaarka Istanbul
April 15, 2023 - Written by admin
Safarka USA iyo Somalida .
Diyaaradaasi Waa Air Anka waxana laga leeyahay Dalka Turkiga .
Dad gaaraya 200 oo ruux oo Soomaali ah oo Ku xayiran AIRPORKA Istanbul ayaa lacago looga qaatay in ay gaynayso Dalka nicaragua Ee Latin America si ay USA u galaan.
Dadka qaar diyaaradaasi Ku qornaa ayaa ii sheegay in lacag dhan Million iyo wax la jiro laga qaatay .
Shalay ilaa saakay dhoor mar ayay baaqatay marba Dadka wax ayaa loo sheegayay . balse hada waxa gabi ahaanba diyaarada laga saaray systemka.
Qofkii waxa laga qaaday lacag gaaraysa 4500$ ilaa 6500$ oo Tickidka ah .
Wixi kusoo kordha dib ayaan idin kaga soo sheegayaa .