Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub Usoo Magacowda Somaliya
April 19, 2023 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Dowladda Ingiriiska ayaa Michael Nithavrianakis u magacowday Safiirkeeda cusub ee Soomaaliya.
Waxaa lagu beddelay oo uu xafiiska kala wareegayaa Ms Kate Foster oo ahayd safiirkii boqortooyada UK u fadhiyay Soomaaliya.

Mr Nithavrianakis waxa shaqada xafiiska qabsan doonaa inta lagu jiro bisha May 2023.
Safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dalal kala duwan oo ay kamid yihiin Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo kuwa kale.
Shaqadii ugu dambeysay ee uu hayay waxay ahayd xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud iyo Agaasimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Italy.