“Uma Maleynayo, Madaxwaynaha Iyo Xukuumaddiisu Inay Ogolaan Karaan In Kuwii 12 Sanadood Kuraasida Ku Daxalaystay Ay Ku Sii Maxaafsadaan Kuraasida Golaha Wakiillada..”
July 22, 2016 - Written by Berbera Today
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Wuxuu Farriin U Diray Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa sheegay in aanay suurto-gal ahayn in Doorashada Madaxtooyada la qabto Xilligeeda oo Si gaar ah Muddada loogu kordhiyo Golaha Wakiillada oo uu sheegay inay Kuraasta ku daxaleysteen.
Mujaahidka oo Qoraal uu arrintaa kaga hadlayo ku baahiyey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, ayaa isaga oo Arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Dhinaca sharciga hadduu yahay Xeerka iyo Go’aankii muddo kordhintii Guurtida ee Maxkamadda Sare xalaalaysay yahay kuma jirto laba doorasho oo la kala qabanayo ee waxa jira oo keliya laba doorasho oo is huwan oo isku mar la wada qabanayo, waxaana loo muddeeyay 28 March 2017. Sida sharcigu yahay Go’aankii Maxkamadda Sarena ahaa labada doorashaba waa inay sidii loogu talogalay ku qabsoomaan hadii Allaha Awooda lihi aqbalo mana jirto carqalad aan laga gudbi karin oo hor taagan in labada doorasho xiligii loogu talogalay ku qabsoomaan, waa haddii daacad laga yahay. Madaxwaynaha, sidii uu hore u caddeeyay haddii ay ka go’an tahay in doorasho xor ah oo xalaal ah ka qabto dalka cid kale oo is hortaagi kartaa ma jirto xataa haddii ay Wakilladu ka cago jiidaan sidii horeba ay u caadaysteen inay saami qaabsi been ah oon jirin marnarsiiyo ka dhigtaan waanay muuqataa in arinkoodu yahay XEERKII HORE TUUR KU DAMBENA DIID. Markaa xilku wuxuu saaran yahay Madaxwaynaha hore uga ogolaaday 7 sanadood oo muddo kordhin ah inuu haddana ka ogolaado muddo kale oo kuraasida ay ku daxalaysteen ku sii fadhiyaan iyo in markan uu gaashaanka u daruuro kana furdaamiyo Qaranka belaayadan ku maran.”