Maxkamada Ciidamada Somaliland oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askarigii Taliyiiha Ku Dilay Lawyocado”Daawo Muuqaal
May 7, 2023 - Written by admin
Borama(Berberatoday.com)-Maxkamadda ciidanka milatariga Somaliland darajadeeda koowaad ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.