Wasiir Shuceybka Warshadaha Oo Dhaliilo Uu Ku Xodxodanayo Madaxtooyada Oo Laga Dayriyay Ku Duray Wasiirkii Hore Ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid
July 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa, 21 July, 2016-(Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa si indho la,aana oo jaahilnimo aqoon daro badani ka muuqato dhaliilo aan meel mar ahayn ugu jeediyay Wasiirkii hore ee cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo katirsan garabka isbaahaysiga Dimuguraadiyad doonka ah ee Xisbiga Kulmiye. Wasiir Shuceyb Maxamed Muuse oo baryahaa ka dhacsanaa la jaan qaadka siyaasada Xukumada Siilanyo iyo Xisbiga kulmiye Xurguf ismaan dhaafna ka dhex taagnayd Madaxtooyada lana sheegaayay in xilka laga qaado ayaa isyidhi Madaxtooyada ku xodxodo dhaliil aan si cilmiyana loo soo qorsheyn oo uu kula duldhacay wasiirkii Hore ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo ah sharciyaqaan dhaliilo kulul oo Xukumadu ka gubato hadiyo jeer ku gana Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Xisbiga kulmiye ee Muuse Biiuxi u afduuban. Wasiirkan yar ee Socod baradka ku ah siyaasada ayaa waxa uu yidhi”