Wasiirka Warshadaha Oo Dab kadhex Shiday Marwada 1aad Ee Qaranka Iyo Bulshada Reer Gabiley
July 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Beraberatoday.com)–wasiirka Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Mohamed Muuse ayaa markii uu kufashilmay bedelaada Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley bilaabay isla horkeenka Bulshada Reer Gabiley Iyo Marwada 1aad ee Qaranka Marwo Aamina Mohamoud Jirde.
wasiirka oo dhawaan shir kula yeeshay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha degaanka Gabiley iyo Odayaal ay isku beel Hoose yihiin ayaa usheegay inay Marwo Aamina Waris diiday isla Markaana sicad isku hortaagtay in beeshiisa Lasiiyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley.
Waan isku dayay arrintaa waataynu is ogayn ee aynu ilaa Wasiirka Daakhiliga utagnay Arrintii meel adag ayay inaga gashay oo Xaawalay ayay talada Dalku gacanta ugu jirtaa ee waxaan idiin hayaa aynu dhaqdhaqaajino Mayorka kaaasaa Kadhaw sidaan arkayee, Sidaas waxa yidhi Wasiir Shucayb mar uu lahadlayay Xubno beeshiisa ah iyo Xildhibaanada Golaha Degaanka kaga jira isla beeshiisa.