Kala Qaybsanaanta Bulshada Somaliland, Cidda Kaliya Ee Ay Faa’iidada Utahay Waa Cadowga Somaliland!!! Waxa Qoray Eng.Xuseen Dayr
May 13, 2023 - Written by admin
Midnimadu waa awood iyo cudud shacab oo ay ummadi kaga guulaysan karto cid kasta oo jiritaankeeda cadow ku ah. Sida ay taariikhdu qirayso; Yuhuun, Cudud iyo Dareen midaysan ayay ummadda Somaliland kaga guulaysteen cadow kasta oo awood is bida oo halis ku ah jiritaankooda. Xaaladaha haatan ka taagan dalkeenu waxay u baahan yihiin in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto.
