Haweenay Dishay Carruur Ninkeedu Dhalay oo Booliska Banaadir Soo Bandhigay
May 15, 2023 - Written by admin
Muqdisho(berberatoday.com)-Ciidanka Booliiska Saldhigga degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney ku eedeysan inay dil u geysatay Wiil yar oo ay eeddo u aheyd oo uu dhalay Ninkeedu.
Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo Haweeyneydan u soo bandhigay Warbaahinta maanta, ayaa sheegay inay si xun u garaacday wiilka yar, isla markaana ay jidhkiisa ka muuqdeen garaacis xoogan oo sababay inuu u geeriyoodo.