Badhasaabkii Togdheer Oo Weli Dhex- yurura Burco Iyo Dagaal Saacado Qaatay Oo Ka Socda Hawdka Gobolka”Axmed Nuur Samraawi
May 15, 2023 - Written by admin
Badhasaabka gobokka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Nafaqo ayaa weli ku sugan gudaha magaalada Burco, iyada oo dagaal saacado qaatay uu ka socdo deegaanka Cali Saahid ee hawdka Togdheer, waxaanu iska horaysiiyay
Ciidamo tiro badan oo iskugu jira Military iyo Boolis, sid ay nagusoo gaadhayaan wararka aanu ka helnay gobolkaas.
Badhasaabka oo la filaayay inuu ku dhex dhaco labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu u dhaxayso, una dajiyo xaalada halkaas ka aloosan ayaa u muuqda mid ogaan uga muquurtay, waxaana dadku is waydiinayaan sababta uu fadhiga uga kici la,a yahay, maadaamo oo colaadu sii cuslaan kartoo, hadii aan la qaboojin.
Ciidamada ku baxay deenaanka Cali Saahid oo xili danbe la diray ayaan weli gaadhin goobta dagaalka sida ay noo sheegeen ila xogagaal ahi.
Waxa Qoray Axmed Nuur Samraawi