berberatoday.com
Madaxseyne Muuse Biixi oo Safar Kadisa oo Jarmaade Ah Saaka Ku Tagay Magaalada Burco Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
May 16, 2023 - Written by admin

Burco(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamahuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa socdaal aan hore loosii shaacin oo jarmaade ah kutagay Magaalada burco ee Xarunta Gobolka Saaxil Saaka oo Bishu ahayd  16 May 2023-ka.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi oo aan hore loosii shaacin ayaa lagu war helay isagoo Salaadii Subax socdaal ku dhaafay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil’

Madaxweynaha oo hada Burco kusugan ayaa socdaalkiisu kusoo beegmayaa xuska maalinta Qaran ee 18ka may oo laba maalmood ka hadhsan yihiin waxaanay warar hoose sheegayaan inuu Burco usii dhaafi doono Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Sool uu xuska 18ka May kaga qeyb gali doono Taliska guud ee Ciidamada Qaranku ku leeyihiin Goojacade waxaana sidaasi sheegaya Warar aan La shaacin.

Geesta kale Safarka Madaxweyne Biixi ee Burco ayaa kusoo beegamaya iyadoo maalintii shalay dagaal udhexeeya Beelaha Habar Yoonis iyo Awal bari kudhexmaray Deegaanka Cali Saahid oo dhawac iyo dhimasho ka dhashay sidoo kale Waxa isla maanta Deegaanka Qabri Gorod ee Beelaha Awal bari deegaan uleeyihiin weerar ku qaaday sida la sheegay Beelaha Habar Yoonis oo dab qabadsiiyay qeybo kamida magaalada halka ay boobeen Meheradihii magaalada oo qaateen wixi hanti yaalay gacantu uqabanaysay iyagoo gaadiid ay wateen ku gurtay sida ay Berberatoday Uxaqiijiyeen goob joogayaal lasoo xidhidhay.

Shaqaaqooyinka Hawdka Gobolka Togdheer oo soo nqonoqday ayaanay xal waara ka gaadhin Maamulka Gobolka Togdheer iyo ka Degmada Burco waxaana dhawaan xoojin ahaan ugu tagay Maamulka Gobolka Togdheer si arintan ula soo afjaraan Xildhibaanada labada beeloo kasoo kala Jeeda ee baarlamaanka waxaana laga baa,iyay Beelaha awal bari Deegaan ay lahaayeen si nabad loo helo balase tobaneeyo cisho kadib shalay ayay weerar soo qaadeen baalaha Habar Yoonis Ciidamo lagu saaray shalay waxay joogaan deegaanka Cali Saahid hase yeeshee waxay hadana hawshii ka hilaabantay Deegaanka Qabri Gorod sidoo kale Waxa warku sheegayaa in Geel Beelaha Awal Bari leeyihiin la dhacay Oday Waayeela oo la Joogayna La Dilay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews