Ganacsiyo Ay Lahayeen Soomaali Iyo Itoobiyaan Oo Lagu Boobay Magaalo Kutaala Koonfur Afrika
May 17, 2023 - Written by admin
Ganacsiyo Ay Lahayeen Soomaali Iyo Ethiopian Oo Lagu Boobay Tuulada VILLIERSDORP
Boob xoog leh oo cagta la mariyey gabi ahaanba Tuulada, islamarkaana lagu waayey in ka badan 30 Dukaan oo badankood Soomaali leedahay iyo qaar Ethiopian leeyihiin, ayaa xalay ka dhacay VILLIERSDORP oo qiyaastii 110km u jirta Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.
Mashaqadan, ayaa ka bilaabatay Dibadbaxyo ay maalmihii lasoo dhaafay dhigayeen Dadka deegaanka, oo ku saabsanaa Dhismaha Wadooyin iyo Guryo ay in muddo ah Dowladda hoose uga cabanayeen.
Waxaa iminka Muwaadiniinta SOOMAALIYEED ee Naftooda lasoo baxsaday ee Mehradahooda la bililiqaystay iyo Ethiopian-kii ay isugu yimaadeen gudaha Magaalada mana yaqaanaan jiho ay abaaraan haba yaraatee, sida uu ii xaqiijiyey Abdukadir Mohammed Husein oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanka ee Hantidooda la qaatay, waxaase ILAAHAY-Mahadiis ah inaysan jirin wax Khasaare Nafeed ah.
Xaaladda, ayaa maanta wali cakiran, iyadoo ilaa iyo iminkana aysan jirin cid ay Ciidanka usoo qabteen.
Abdulrazak IndhaJaceyl – Mr Update