Dadka Soo Jeeda Qoomiyada Oromada Ee Sida Sharcidarada Ah Ulugeeya Wadooyinka Isku Xidha Gobolada Somaliland Oo Dhaqan Cusub Bilaabay Iyo Halista Ka Dhalan Karta
February 26, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Dadka tahriiba Qowmiyada Oramada loo yaqaan kana soo jeeda dalka Itoobiya isla markaana sida is daba jooga ah u lugeeye wadooyinka Somaliland siiba laamiga isku xidha Magaalooyinka wajaale ilaa laas caanood ayaa lasoo baxay dabeecado cusub oo khatar ku ah amniga gaadiidka iyo dadka isaga goosha Magaalooyinka Somaliland waxaanay dadkaasi hada bilaabeen inay kusoo boodaan Gaadiidka laamiga haya isuna dhigaan,Tirada dhabta ah ee hada sababtaas u dhimatay ee ay shebekada Wararka ee Berberatoday.com Helayso ayaa sheegaya in ilaa laba dhacdo ay ka dhaceen agagaarka Magaalooyinka Wajaale iyo Berbera,isla markaana dhamaadkii sanadkii Hore mid ka mid ah dadka lugeeya ee Oromada ahi uu kusoo booday Gaadhi Jaad sida oo Maraayay duleedka Magaalada Wajaale kuna naf baxay halkaas kadib markii uu baabuurkaas jiidhay, halka midkale oo tahriibayaaashaasi ka mid ahi isla shalay Duleedka Magaalada Berbera kusoobooday Gaadhi bas ah oo ay saaranyihiin dad rakaab ah oo Tiro badan ayna leedahay Shirkada Socdaalka ee Bari iyo Galbeed halkaasna uu ruuxaasi tahriibaha ahi ku naf waayay,halka ay khatar galeen dadkii rakaabka ahaa ee baska saarnaa ,ilaa hada Maydkaasi ayaa wali yaala Cisbitaalka magaalada Berbera.