Waxaa jira loolan Qarsoon oo udhaxeeya Garaadada Bariga Sool,oo laba garab ukala safan sidoodaba Garaadada gadoodsan ee Laascaanood .fadhiya waxaa ugu Awood badan oo Talladu ka go’odaa Afar Garaad oo qudha oo kala ah.
1: Garaad Jaamac Garaad Cali ( Garaadka Galla dagaalka).
2: Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
3: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe
4:Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraalle,waxaa jira Garaad saamayn badan oo ah Garaadka Beesha Guuleed Garaad ( Barkad), Garaad Maxamed Garaad Abshir Salaax ,oo billowgii dagaalka yimi Laascaanood balse Macalin ka.ah Jaamacad Sucuudiga ku taalla oo Isagu saaxada ka maqan.
Dagaal kasta oo dhaca wuxuu ku dhamaada wadahadal iyo nabad iyo heshiis,waxaa jira gacmo shisheeye oo raba in dagaalka Laascaanood lasoo Af-jaro kuwaas oo kala ah Ingiriiska iyo Imaaradka,oo maalgelin ku leh Somaliland sida Dekada Barbera oo ay maalgashadeen Imaaradka iyo Britain.
Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak wuxuu shirkii Wadamada (G7 ),ee bishan May ka dhacay Magaalada HIROSHIMA, ee Japan,ka sheegay in dalkiisu maal-gelin ku sameeyey Dekadaha dalalka Senegal iyo Somaliland . Shirkada Genel Energy oo Shiidaal ka qodaysa Ceelka Xood ee Bariga Gobolka Togdheer. waxaa ,Iska leh oo dabada ku haysaa Ingiriiska,sidaa darteed waa sababta Igiriisku udanaynayo in lasoo Af-jaro Colaada Laascaanood oo Colaadu sii fidin .
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah Hogaamiye nooca loo yaqaano (pragmatic leader),iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxay rabaan inay wadahadal lagalaan Xukuumada Somaliland oo Jabuuti marka danbe layskugu keeno oo lasoo Af-jaro dagaalka Laascaanood.waana sababta ay utageen Muqdisho .
Labada Garaad ee kale sida Garaad Jaamac Garaad Cali ( Garaadka Galla dagaalka), iyo Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale waa isku fakar ah waxay rabaan inuu Dagaalku socdo.oo heshiis la qaadan sida la ogyahay Garaad Jaamac Garaad Cali, waa Garaadka ugu saamaynta badan ee Shacabka Dhulbahante u ah Hogaamiye Ruuxi ah oo mayal Adag,isagaana haysta taageerada Shacabka. wuxuu Garaad Jaamac Garaad Cali iyo saaxiibkii Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale,diidan yihiin Shirka Muqdisho ee udhaxeeya DF Soomaliya iyo garabka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Hogaamiyaha uyahay.
Dagaalka Laascaanood oo Bishii Lixaad gallaya Huwantu horumar kama samayn waxaa qalbi jab ku riday, maalintii xuska 18 may Ciidanka Mallatariga Somaliland wuxuu Maalintaas Bariga iyo Galbeedka Laascaanood ku qaaday dagaal iyagoo Magaalada Guddaha ugallay, isagoo hadana ka dagaalamayey furinta saddexaad ee dhabar-saar oo udhaw Tuulo Samakaab,hadana dagaalka oo socda waxaa Badhtamaha Hargaysa .Somaliland soo marisay Guutooyin Ciidamada Qalabka sida ,oo Kumanaan ah siwacana uhubaysan taas oo ka yaabisay Garaadada reer Sool oo markii hore dhayalsaday Awooda Ciidanka Mallatariga ee Somaliland.
Xoogaga huwanta ee Laascaanood ka dagaalamaya waxaa Lagu qiyaasa 5000 ilaa 6000-nin maalin kasta waxaa ku baxaysa lacag gaadhaysa 260000$ ilaa saddex Boqol oo kun oo dollar maadama ubaahan yihiin rasaas noocyadeeda kala duwan,Cunto ,Dawo , Shiidaal iyo Qalab ciidan iyo Logistics.
Qurba-joogta oo ah Wasaarada Maaliyada ee Huwanta waxaa hoos udhacday Lacagtii ay Soo diri jireen, maadama dagaalkii Laascaanood wali ka socdo Hotel Xamdi oo uu ka bilowday Lixbilood kahor,Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, wuxuu rabaa inta Awooda leeyihiin ee wax goosan karaan inay wadahadal la gallaan Somaliland oo wadahadalka lagu qabto Imaaradka ama Jabuuti miduun.
Imaaradka iyo Ingiriiska iyagaa ka danbeeya in DFS ,la shirto Garaadada Bariga Sool ee Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Dhawaan waxaad maqli doontaaan Garaad Jaamac Garaad Cali,oo ah nin nabad iyo wadahadal doonayn , iyadoo loo aqoonsaday Qaswade ,dagaal ooge ah.oo Amaanka iyo Nabada halis ku ah.