Xildhibaan Axmed Muuse Oo Si Adag Uga Hadlay Askari Ciidanka Booliska Katirsan Oo Loo Xukumay Gaadhigii Uu Waday Oo la Dhacay, Kuna Dhex Curyaamay Jeelka”Daawo Muuqaal
June 4, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed muuse oo katirsan golaha wakiilada Somaliland laga soo doortay gobolka sanaag ayaa si kulul uga hadlay tacadi uu sheegay in lagula kacay askari ka tirsan ciidanka booliska oo uu la dhacay gaadhii uu waday sanad ka hor kuna geeriyooday laba askari halka ay ku dhaawacmeen 11kale
Xildhibaan axmed ayaa sheegay in askarigan oo lagu magacaabo aadan lagu xukumaday in uu bixiyo magta labadii askari eek u dhintay shilka iyo dhaawaciiba halka isagana lagaga xukumay afar sano oo xadhig ah kaasi oo ku dhex curyaamay jeelka islamarkaana xukuumadu ka dhago adaygtay in la geeyo xarumaha caafimaadka