Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo Go,aan Ku Qaatay Inaan Loo Kala Tagin Ilaa Xaalada Cabashada Laydhka Berbera Xal Loo Helayo
June 5, 2023 - Written by admin
Golaha degaanka degmada Berbera ayaa saaka galay kalfadhigoodii 11aad fadhigiisii 3aad qodobada fadhigan lagaga hadlaayey Ayaa daaranaa : kulamo ay layeesheen wasaaradda macdanta iyo Tamarta , koomishanka tamarta iyo shirkadda gacanta ku haysa laydhka berbera.
sidoo kale waxa uu goluhu go’aamiyey intaan go’aan kama danbaysa laqaadan in goluhu kulan kale layeesho Cid kasta oo ay khusayso si loo qaato go’aan kama dambays ah.
Kulamada golaha deegaanka degmada berbera ayaa sii socon doona ilaa inta xal waara laga gaadhaayo arinta laydhka Berbera.