“Maxakamada Sare Ee Dastuuriga Ah, Ayaa Laga Filayay In Ay Xalka Qayb ka Noqoto, Waxaase Muuqata In Ay Ku Milantay Xukuumaddii Oo Ay Utafaxaydatay In Ay Muranka Daraf Ka Noqoto”Gudoomiye Xirsi.
June 7, 2023 - Written by admin
“Somaliland waxay in muddo ah ku jirtay colaado hadheeyay iyo muran dastuuri ah iyadoo uu dhammaaday xilkii Madaxweynuhu looguna kordhiyay sifo sharciga baalmarsan, laguna heshiin.

Waxaa kale oo jiray muran sharci oo madaxweynuhu abuuray, taas uu doonayo in uu doorashadiisii oo taagan -isagoo dantiisa ka eegaya, in uu doorasho kale oo aan shuruucda dalka meelna kaga qornayn (Doorasho toos ah) ka soo horumariyo doorashada Madaxtooyada, si uu gabbood iyo cimri-dherer uga dhigto.