Hargeysa”Sadex Caruur Ah Oo Ku Naf Waayey Aabahood Oo Gurigii Ku Gubay Iyo Odaygii Oo Dhaawac Culusi Soo Gaadhay
July 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararka ka imanayaa magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in sadex caruur ah iyo aabahood ay ku gubteen guri ku yaala magaalada Hargeysa. guriga falku ka dhacay oo ku yaala xaafada idaacada ee magaalada Hargeysa ayey wararku sheegayaan inuu gubtay ka dib markii uu aabaha dhalay caruurtaasi uu gubay guriga, kaas oo la sheegay inay ku kaliftay dhibaato dhinaca qoyska ah oo haysatay aabaha caruurtiisa gubay.
mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ka ahaa markii uu gurigaasi gubtay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in aabaha dhalay caruurta gurigu ku gubtay uu sabab u ahaa gubitaanka guriga, isla markaana ay ku dhibteen sadexdii caruurta ahaa halka aabihii dhalayna uu halis ku jiro.