Khaliif ma Halyeybaa mise waa Faashil Siyaasadeed Sinaariyada dhamaadka Mustaqbalkiisa.W/Q Cabdi Yaasin Yool
June 13, 2023 - Written by admin
Khaliif ma Halyeybaa mise waa Faashil Siyaasadeed Sinaariyada dhamaadka Mustaqbalkiisa.
Sanadkii 1997 Madaxweyne Cigaal wuxuu xilka ka qaaday Guddoomiyahii Barlamaan ee xilligaas Axmed Cabdi Xaabsade.
Sanadkii 2019 Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ,ayaa xilka xoog Looga qaaday iyadoo xitaa la laayey ilaaladiisii.
Sanadkii 2018 waxaa xilka xoog looga qaaday Guddoomiyahii Barlamaanka Soomaliya Maxamed Cismaan Jawaari, isagoo ahaa nin Awood badan.
Guddoomiyahii hore ee Barlamaanka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed,waa loolisay Caalamka Siyaasada wuxuu ku soo biiray sanadkii 2000 waxaa ku Soo daray Xildhibaan Saalax Badbaado,oo Muqdisho isku qarxiyey.
Mr: Khaliif Dawladii Madaxweyne Siilaanyo wuxuu noqday Wasiir Awood badan,oo Iska Casilay 2015. Xilligan la joogo Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu is tusay inuu noqon doono Madaxweynaha Maamul Goboleed waxa loogu yeedho Khaatumo.
Cabdirisaaq Khaliif kamuu aqoon badnayn kamana saamayn badnayn Pro: Cali Khaliif Galaydh,oo waa kii markuu Maamulka Khaatumo shaqayn wayday 2016 Hargaysa Looga soo Tahriibiyey Buuhoodle.
Khaliif maaha nin karmeed galaangal badan oo Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland ku yimi kartadiia ,balse Xisbiga Wadani ayaa dhisay oo wax ka dhigay.
Cabdirisaaq Khaliif wuxuu micno kulahaa xilka Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland, Imika wuxuu noqonayaa Wiil ,Jaamac Siyaad ah oo tolkii Iska dhex-jooga xoog iyo xeelad midna lahayn.
Wuxuu qol ka dagi doonaa Garoowe ama Muqdisho,ma muuqato wax saamayn buuran ah oo ku yeelan doono Somaliland,waa nin Caadifi ah oo Arragti dheer oo Siyaasadeed lahayn.
Waxa Qoray Cabdi Yaasin Yool