Taliyeyaasha Sirdoonka Soomaaliya Iyo Kenya oo Kulan Ku Leh Muqdisho
July 7, 2023 - Written by admin
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu kusoo dhoweeyey agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, socdaalka taliye Nuuradiin Xaaji ayaa la xiriira sidii labada hay’ad sirdoon “ay isaga kaashan lahaayeen amniga labada dal, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.”
Ka sokow kulanka uu la leeyahay Mahad Salaad, taliye Nuuraaddiin ayaa sidoo kale la sheegay inuu Muqdisho kula kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.