Badeecad Cashuurta Lagala Baxsanaayay oo Dekeda Berbera Lagu Qabtay Iyo Dareenada Ku Xeeran
July 11, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Taniyo intii labada qeybood loo qeybiyay Kastamka Berbera ee la sameeyay qeybta baadhista dambe ee rarka badeecadaha(Checking)waxa soo kordhaayay badaeecadaha cashuurta lagala baxsanayo ee la Qabayo,

Dekeda Berbera 8 bishan Julay 20203 waxa lagu qabtay badeecad Cashuurteedu dhamayd marka hore(Hal Bilyan iyo laba Boqol Milyan oo Somaliland Shilin ah) badecadan ayaa neeceedu ahaa qalabka Isgaadhsiinta ee shirkadahaha waaweyni isticmaalaan waxaanay ka kala koobnaayeen qalabka gudbiya maqalka iyo muuqaalka ee Taawarada lagu xidho.