|
berberatoday.com
Badeecad Cashuurta Lagala Baxsanaayay oo Dekeda Berbera Lagu Qabtay Iyo Dareenada Ku Xeeran
July 11, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Taniyo intii labada qeybood loo qeybiyay Kastamka Berbera ee la sameeyay qeybta baadhista dambe ee rarka badeecadaha(Checking)waxa soo kordhaayay badaeecadaha cashuurta lagala baxsanayo ee la Qabayo,

Dekeda Berbera 8 bishan Julay 20203 waxa lagu qabtay badeecad Cashuurteedu dhamayd marka hore(Hal Bilyan iyo laba Boqol Milyan oo Somaliland Shilin ah) badecadan ayaa neeceedu ahaa qalabka Isgaadhsiinta ee shirkadahaha waaweyni isticmaalaan waxaanay ka kala koobnaayeen qalabka gudbiya maqalka iyo muuqaalka ee Taawarada lagu xidho.
Sida warbaahintu xog ku heshay ganacsadaha badeecadan lahaa oo kamid kuwa ugu tunka weyn Ganacsatada Somaliland wuxu shubay oo khasnada Dawlada ku dhacday cashuur ahaan loo bixyay lacag udhigmaysay (500,000,000 SL Shilin) halka lacag(700.000,000,sl shilin ah) lala baxsanaayay oo ay Qabteen kastamka Berbera qeybta Barxada ee rarka Badeecadaha iyo dib u eegista Cashuurtooda,
Xafiiskan barxada ee kastamka Berbera ayaa mudooyinkii udambeeyay gacanta ku dhigay dakhli bilyanis Sl Shilin ah oo cashuurta Lagala baxsanaayay tan iyo intii Lakala Madaxbanaaneeyay Kastamka qeybta hore ee cashuurta badeecadaha iyo qeybta dambe ee rarka iyo dib u eegista cashuurta.
Dabcana intii la magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Xuseen Mu,adinka oo mudo 6 bilood ahi ay kasoo wareegtay waa markii sadexaad ee lacag Boqolaal Bilyan ah oo cashuurta lagala baxsanayo la qabtay, waxa kaloo jira aan la shaacin hadiyo jeer Kastamka Berbera qeybta barxada ee dib u eegista cashuurta badeecadaha ay qabtaan badeecado badan oo Cashuurta lagala baxsanaayo hase yeeshee dakhli ahaan kala hooseeya.
Sida xogo soo baxayaa ay sheegayan waxa saaka la xidhay hawl wadeenkii badeecadan usaarayay shirkadaa weyn oo lagu magacaabo Guray dabcana taasi u muuqataa in lagu dambabasayo kiiskan weyn ee ka dhacay Kastamka Berbera.
Hadiyo jeer arimaha noocani markay dhacaan ee la qabto badeecad cashuurta lagala baxsanayo waxa la yidhaa Under Colection oo Ganacsadaha badeecada cashuurta kala baxsanaayay waxa laga shubaa cashuurta uu la baxasanayo iyo ganaax lacageed oo 50% ah.
COMMENTS
|