Kastamka Berbera oo Hanti Dhawr La Galiyay Baadhis Lagu Wado Masuuliyiinta Usaraysa Iyo Fadeexada Xatooyo Maaliyad Bilyanis Ah oo Dul Hoganaysa
July 12, 2023 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Fadeexadii weynayd ee ka dhacday Kastamka Berbera gaar ahaan qeybta Cashuuraha ee lacagta Bilyanis Sl Shilinka ah lagala baxsanaayay Cashuurta dawlada ayaa waxay Sababtay inay habeenkii xalay Magaalada Berbera Usoo hoydaan Masuuliyiintii ugu sareeyay Wasaarada Maaliyada Somaliland kuwaas Ay hogaaminayaan Wasiir Sacad Cali Shire,Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Rooda Cilmi,Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Xuseen Mu,adinka.Agaasimaha waaxda Kastamada waxa kaloo wehelinaayay Hanti dhawrka Gaarka ah ee Wasaarada Maaliyada,Gudi baadhiseed oo wasaarada maaliyadu magacawday waxa kaloo iyaguna socdaal gooniya oo la Xidhiidha baadhista badeecada Cashuurta lagala baxsanaayay Berbera uyimi Hanti dhawraha guud ee qaranka Jsl iyo shaqaalaha hawlaha baadhista uqaabilsan,