berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Dhaqaale Ka Dalbaday Laba Ganacsade Oo Lagu Kala Magacaabo Cabdiraxmaan Boore Iyo Maxamed Aw Siciid+ Qorshaha Dakhliga Uu Ugu Talo Galay Oo Qaran Dumisnimo Ah Iyo Madaxtooyadda Oo Dhabarka Ujeedisay…
July 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow-dhow Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharrax Xisbigaas ayaa sheegaya inuu xidhiidh la sameeyey laba kamid ah ganacsatada dalka Jabuuti oo mid yahay dibed wareeg. Ma jiro war faahfaahsan oo kasoo baxay arrinkaa, hase-yeeshee xoggo u dhuun-daloola ayaa shaaca ka qaaday In Musharrax Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo fadhiisu yahay Dalka Imaaraadka gaar ahaana Dubai inuu siiyo dhaqaale uu ku galo Kaambeyn uu ugu micneeyey mid kasoo hor-maray Doorashadda, isla markaana uu kusii gogol xaadhanaayo Kursigaa, waxana uu ugu sheegay inuu yahay Xisbiga uu sharciyadda kaga leexinaayo Xisbiga Ucid oo damacsan yahay inuu Burburiyo intii awooddiisa ah, dalabka Muuse u Gudbiyey Cabdiraxmaan Boore Wararku may caddeyn inuu ka aqbalay iyo in kale.

Geesta kale, wararku waxay intaa raaciyeen inuu ganacsadaha labaad ee Musharrax Kulmiye dhaqaalaha uu damacsan yahay inuu Burburiyo Xisbiga Ucid uu yahay Maxamed Aw siciid oo hadda ku sugan dalka Jabuuti kaasoo isagga la sheegay inuu u balan qaaday dhaqaale aan xadigiisa la shaacin, sidoo kalena Ganacsade Maxamed Aw Siicid ayaa soo dhoweeyey sidii Muuse Biixi dagaal ugu qaadi lahaa burburinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, kaasoo sida la sheegay uu muuse Biixi ka dalbaday inuu geed dheer iyo mid gaaban-baa u fuulo Burburkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Labadan Ganacsade ayaa midkood ku cusub yahay hindisahan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi wato ee lagula dagaalamaayo Xisbigaas oo hadda laba garab u kala fadhiya, halka uu ganacsade Maxamed Aw siciid uu isaggu ahaa shaqsiga intaa badan Muuse Biixi ku dhiiri geliya dagaalka Ucid. Si kastaba ha ahatee, tallaabadan ayaa la sheegay inay Muuse Biixi ku kaliftay kaddib markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhabarka u jeedisay qorshayaasha guracan ee Gudoomiye Muuse ku waddo Dinuquraadiyadda iyo hanaanka asxaabta, isla markaana u araagtaa qof iska doonayaa inuu Kursi ku fuulo si dhib yar, waxana Wararku sheegeen inay dibedda ka tahay oo aanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dooneyn inuu baaba’o Xisbiyadda qaranka ee dalka.

 

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews