Ergayga Gaarka Ah ee Qaramada Midoobay oo Hargeysa Kulan Kula Qaadatay Wakiilada Ururada Bulshada Somaliland
July 18, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, ayaa maanta kula kulantay wakiillo ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah magaalada Hargeysa si ay uga wadahadlaan caqabadaha soo wajaha iyo taageerada Qaramada Midoobay. Waxay uga mahadcelisay ururada bulshada rayidka kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan dhanka horumarka.
