berberatoday.com
Doorashada Ururada Hal Boos Ayaa Lagu Tartamayaa Laba Xisbina Way Soo Noqonayaa”Faallo
July 18, 2023 - Written by admin

Xisbiga Wadani Waa Xisbiga Ugu Taageerayaasha Badan Dalka Haduu Doorasho Ururo Galana Wuu Soo Baxayaa Taas Layskuma Diidana Ninkii Diidaana Gudcur Ayuu Gudayaa Bishuna Hortiisay Iman.


Xisbiga Kulmiye Awoodii Xukumiga Aheyd Ayuu Haystaa oo Ku Hawlgalayaa Waanu Soo Baxayaa Doorashada Ururada Xisbi Xukumadiisi Joogtaana Ma Dhaco Afrika Siduu Doono Haku Soo Baxo.

Booska Lagu Tartamayaa Waa Ucid oo Oday Faysal Cali Waraabe Horfadhiyo,
Xaqiiqatan Faysal Waa Muwaadin Dhaba Inuu Dalka Mar Madaxweyne Ka Noqdaana Way Fiicnaan Lahayd Laakiin Gudoomiyenimadiisa Iyo Musharaxnimadiisa Ayaa 20 Sano Kor Udhaaftay Wax Natiijo Ah uu Hayaana Majirto Haday Taageerayaal Noqoto Iyo Haday Meel uu Ku Tiirsanyahay Tahay oo Aduun Kaga Socdo Iyo Awoodii Xisbiga oo Kaligii Kusoo Ururtay Markaa Isaga Muranku Waa Udan oo Cimri Dherer Ayaa Ugu Jira In Laysa Sudhnaado.

10-ka Urur ee Yaacaya Halkaa Boos ee UCID Ayaa Dhex Yaala Qiyaastayda Iyo Siday Dad Badan oo Siyaasada Faaleeyaa ila Qabaan Hadaba Waxa Aan Weli La Garanayn Ururkii Buuxin Lahaa Booskaa.

Xisbiga Wadani Wakhtigan Xaadirkan Doorasho Kastoo uu Galo Wuu Ka Sare Marayaa Xisbiga Kulmiye Hubaal Weeye Taasi Sababtoo Ah Taageerayaal Baaxad Lehna Wuu Haystaa Taageeerayaal Kaloo Xaraasha oo Saluuga Ay Ka Qaba Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi oo Raacayaana Way Badanyihiin.

Xisbiga Wadani Waxa Kaliya ee Guushiisa Wiiiqi Karaa Waa Maaliyad La,aan Soo Waajahda Taas Haduu Meel Iska Saaro Calankiisu Meel Saruu Ka Baban Doonaa.

Mohamed Abdillah Soofadhiiste
Berbera Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews