Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Dhawaaqii Kasoo Yeedhay Komishanka Doorashooyinka Somaliland!
July 20, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wadamada beesha caalamka ee Somaliland Ee Ka Taageera Hirgalinta dimuqraadiyada iyo arimaha doorashooyinka ayaa war kazoo saaray dhawaaqii kazoo baxay komishanka doorashooyinka oo cayimay wakhtiyada ay qabsoomayaan doorashada ururada iyo ta madaxwaynaha.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa soo dhawaynsay jidwalka doorashooyinka Somaliland iyagoo dhinacyada siyaasada golayaasha xeer dajinta ugu baaqay in la hirgaliyo qabsoomida doorashada iyo sharciyada ka qabyada ah hirgalintooda.