Madaxweyne Muuse Biixi oo Guddoomiyenimadii Xisbiga KULMIYE Ku Wareejiyey Maxamed Kaahin
July 21, 2023 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, ayaa go’aamiyey in xilka Guddoomiyaha xisbigaas ku wareejiyo Wasiirkiisa arrimaha Guddaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Maxamed Kaahin.
Kulan xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa, oo uu guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, isla markana ay goob joog ka ahaayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiirro kale oo ka soo jeeda deegaanka Biixi iyo Kaahin, ayaa waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu go’aan ku gaadhay inuu wareejiyo xilka Guddoomiyaha Kulmiye, kuna wareejiyo guddoomiye kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin
Madaxweyne Biixi ayaa intaas ku daray in laga bilaabo xalay hawsha wareejinta iyo qabanqaabadeeda iyo shirka Golaha dhexe ee Kulmiye wakhtiga uu qabsoomayo ay ku xidhnaan doono hannaanka uu u qorsheeyo Maxamed Kaahin oo isagu dhaxalka Kulmiye si rasmi ah ula wareegaya, toddobaadyada soo socda.
Madaxweyne Muuse Biixia xusin inuu saaxiibkiisa siyaasadda uu Murrashaxnimada Xisbiga kulmiye ku dhisi doono, kama uu cadayn madashaas, inkasta oo dadka siyaasadda odorosaa sheegayaan in aan madaxweynuhu weli go’aankaas waanu qaadan oo marka hore uu dhamaystirayo qorshaha wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Maxamed Kaahin, ayaa la filayaa in shirka uu kula wareegayo Guddoomiyaha Kulmiye inuu u qorshaynayo inuu ku qabto Magaalada Burco.
Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonayaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Xisbiga KULMIYE, isaga oo xilkaas hayey tan iyo 2010-kii.
Xigasho :- Saleeban Saxan-saxo