Mudaharad Lagaga Soo Horjeedo Xukunkii Maxkamada Ciidamadu Ku Riday Ragii Loo Haystay Dilk Taliyihii Qeybta Gobolka Saaxil Oo Hada Ka Socda Magalada Burco
July 26, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Dadweyne gadoodsan ayaa Saaka Ka Bilaabamay Farasmagalaha Magalada Burco Iyo Xafadaha Qaar Mudaharaad lagaga soo horjeeddo Xukunkii Dilka ahaa Maxkamadda Ciidamaddu ku Xukuntay 8 Maxbuus oo ku eedeysnaa Dilkii Alla Ha u naxariistee Taliyihi hore ee qaybta gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Maxamuud Caseyr. Kaasoo dablay hubeysani ku dishay Buuraleyda gobolkaasi.
Mudaharadkani Oo Hada Ka Socda Gudaha Magalada Burco Ayaa Daba Socda Mudaharado Shalay Iyo La Xalay Ka Socday Guud ahaan Gobolka Saaxil iyo Deegaamada hoos yimaada Oo Lagu Diidan Yahay Xukunki Lagu Riday Dad Ku Eedaysanaa Inay Dilkii Alla Ha u naxariistee Taliyihio hore ee qaybta gobolka Saaxil Cabdirisaaq Maxamuud Caseyr Cidamada Boolice Ayaa Ku Hawlan Dejinta Dadkani Gadoodsan Oo Wadooyinka Qarkood Ku Gubay Tayiiro Iyo Dgaxaan.