Ciidanka Dab Damiska Somaliland Oo Barkad Deegaanka Garabis Ku Taala Kasoo Saaray Maydka Wiil 17jir Ah!
August 1, 2023 - Written by admin
Garabis(Berberatoday.com)-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Galabnimadii maanta Gurmad Badbaado ah lagu soo wargeliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koonfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gurmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu nagu soo wargeliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiisuna Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo Barkadaas isagoo Mayd ah.
