Taliska Booliska Somaliland oo Beeniyay War Baraha Bulshada Lagu Baahiyay oo La Xidhiidha Taliye Dabagale
August 2, 2023 - Written by admin
Beenin warar been abuura .
Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL .
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL