berberatoday.com
Muxuu Yahay Qodobada Xeer Ay Jabisay Wasaarada Arimaga Gudaha Somaliland Keenay In Kulan Wadatashi Sal Balaadhani Hargeysa Uga Furmo Xubnaha Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lixda Gobol ee Waa Weyn
August 7, 2023 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulanka wada tashiga ah ee maanta Hargeysa uga Furmay badiba Xubnaha Golayaasha Deegaamada shan kamida Lixda Gobol ee ugu waaweyn Somaliland oo kala ah Borama,Gabiley.Hargeysa.Berbera Iyo Burco ayaa la Sheegay inuu daranyahay Cabasho iyo Dacwad ay ka qabaan Golayaasha Deegaanadu Xeerkii Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee xeer 23 oo aan ushaqeyn sidii loogu talagay oo Wasiirka Wasaarada Arimaha Guduhuna cunaha iskaga duubay Iyadoo Xildhibaanadiina Noqdeen shaqaale Dawlad hoose aan wax saamayna kulahayn shaqadii ka socotay Degmooyinkooda oo noqotay mid ku kooban xubnaha fulinta oo kaliya.

Xubin kamid Xubnaha Golayaasha Deegaanada Degmooyinka Dalka oo Kulanka wadatashiga ah qeyb ka ah kana gaabsaday in Magaciisa La Xuso ilaa inta kulankoodu soo dhamaanayo aan khadka Tilifoonka kula xidhiidhay si aan war rasmiya uga helo kulankooda ayaa iisheegay in Wasiirka Wasaarada Arimaha Guduhu Xeer Jabin Ku sameeyay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Dalka qodobkiisa 105 Farqihiisa 1-waad 2-laad oo qeexaya habka shaqo ee Golayaasha Deegaanka iyo inaanay Xukumadu Faragalin ku samayn karin golayaasha iyo Shaqadooda hadase ay taasi meesha ka baxday oo Wasaaradu kor iyo hoosba Maamulato shaqadii ay golayaasha deegaamadu lahaayeen.

Waxa Kaloo Xubintu iisheegtay Inaanay ujeedadoodu ahayn Mayarka xil laga qaado iyo in fadhiyadii aan caadiga Ahayn loo furo oo kaliya hase yeeshee ay dacwad ka Qabaan Wasaarada Arimaha Gudaha oo xeer jabin samaysay shaqadii Xubnaha Golayaasha Deegaanadana ka dhigtay mid aan sidii xeerku qeexayay ufusha oo ku kooban Gudiyada Fulinta oo kaliya tasina aanay ahayn wax la aqbali karo dadkii soo Doortay iyo deegaamadii looga codeeyayna ucuntamaysa Waxaanu intaas ku daray Xildhibaanka ka gaabsaday in Magaciisa hada la xuso in Kulankooda wadatashiga ahi mud 7 Maalmooda usocon doono Baaqyo ku socda Madaxweynaha Iyo Golaha Xeer Dajintana ay kasoo saari doonaan warbaahinta ay la hadli doonaan marka Kulankoodu usoo idlaado.

Kulanka Wadatashi ee Golayaasha Deegaamada ee Degmooyinka A-da ah ee dalka ugu waaweyn Ayaa waxa kaliya oo kamaqan Laascaanood oo xaalad colaadeed ka taagantahay.

Golayaasha Deegaanada Dalka oo la doortay May 2021 waxaanay fadhiyaa mudo 2 sano iyo 3 bilooda.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews