Maayarka Borama Ma Waxa Fiisaha Ingiriiska Loogu Diiday Eydii Dawlada Hoose Laysay? –
July 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa ka hadlay Fiso uu doonayay inuu ku tago dalka Ingiriiska oo loo diiday.
Maayarka ayaa doonayay inuu dalka Ingiriiska kaga qayb galo kulan la doonayay in lagu maataaneeyo magaalooyinka Borama ee Somaliland iyo Henley ee dalka Ingiriiska. Hase yeeshee maayarka ayaa loo diiday fiisihii uu Ingiriiska ku geli lahaa, waxaana soo baxay warar sheegaya in sababta loogu diiday tahay Ey tiro badan oo ay dawladda hoose ee Borama wakhti sii horaysay ku sumaysay magaalada Borama.