Daawo Muuqalka”Sadexda Xisbi Qaran Oo Go,aan Midaysan Ka Gaadhay Arinta Saami Qeybsiga Kuraasta Baarlamaanka Somaliland
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan maalmo kooban socday oo ay xaadir ku ahaayeen hoggaanka saddexda xisbi-qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, isla markaana ay shirguddoominayeen Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland(APD) iyo dallada ururrada Bulshada Rayidka ah ee(SONSAF), ayaa talooyin badan oo lagu falanqeeyey sidii heshiis midaysan looga gaadhi lahaa muranka ka taagan saami-qaybsiga Golaha wakiillada, ayaa ugu dambayn la iskula qaatay mawqif midaysan murankaas xal lagaga gaadhi karo.