berberatoday.com
Xiisaha Go’aankii: Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen Uma Baahna Shir Gole dhexe, Shirweynaha maxa lagu ansixinayaa’se Cid kale ma isaa-soo sharraxi Kartaa, maxa dabraaya,
July 27, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Xiisaha Go’aankii: Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen Uma Baahna Shir Gole dhexe,  Shirweynaha maxa lagu ansixinayaa’se Cid kale ma isaa-soo sharraxi Kartaa, maxa dabraaya, Faysal’se muxuu sharciga dalka iyo Kan Xisbiga Ucid uu ka qabba inuu Musharrax Noqdo, mudadii Gudoomiyaha Goorma ayey kaga egtahay?. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nor.

Waxa shalay ilaa Maanta Bulshadda Somaliland iyo Taageerayaasha xisbiga Ucid u dhaqaaqeen faalleynta Qaraarkii Guddida Diiwaangelintu ka soo saartay Khilaafkii mudada dheer soo jiitamaayey ee Xisbiga Ucid, waxana saameyn gaar ah bulshadda ku lahaa saddex qodob oo ay faaqidaad iyo lafo gur ku sameeyeen, sidoo kale, aragtida Bulshadda ee shalay Ciddii Guuleysatay ayaa iyana laga siinnaa.

Markii aan u dhabbo galay qodobadaas oo weliba aan la Kashadday Xeel dheerayaal Sharci yaqaano oo iskugu jira Garyaqaano iyo Xeer Beegti, waxa iga soo baxay arrimo isku mid ah, kuwaasoo marka hore ku sheegayaa Cidda Guuleysatay labada garab inay tahay Garabkii Markii hore Dacwo tagay ee geeyey Guddida inay u gar qaado kan kale. Guusha kaddib, waxay Guddidu dhaqan gelisay Heshiiskii ay markii horeba hayeen ee ahaa in Xisbiga Ucid yahay laba Garab, kuwaasoo xilalka Xisbiga u qaybsaday si siman. Dhaqan gal kaddib Guddidu waxay qalinka kusii duugtay Go’aankii golaha dhexe ee Xisbiga Ucid, kaasoo isna dhaqangalay.

Haddaba, waxa isweydiin leh maxaay tahay baahida keentay Shirweyne in la qabto, Jawaabta Su’aashaasi waxay tahay sidan, waxa keenay in Shirweyne la qabto Heshiiskii markii hore la galay waxa laga ansixinayey gole dhexe, waanu shaqan galay, balse waxa haddana mar kale lagu sii Jadiidinayaa Shirweyne oo isna laga sii ansixinaya mar saddexaad, Akhriste Ogow Shirweynuhu ma dedeefeyn karo go’aankii golaha dhexe ee Xisbiga kasoo baxay, balse shaqada loo diray ayaa waxay tahay Amar ansixin ah, xataa wax ka bedel kuma sameyn karaan oo awooda ma leh.

Jagooyinka Musharraxa Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Xisbiga Ucid isaggu wuxuu qayb ka yahay  oo weliba ay yihin kuwa ugu tunka weyn ee Heshiiskii Isbahaysiga Ucid wada galeen, waxanu dhaqan-galay markii laga ansixiyey Kalfadhigii golaha dhexe oo iyagu ahaa Hay’adda keliya ee u xil-saaran Musharraxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka inay doortaan, mana jirto Cid kaloo Xeerka Xisbigu awoodda lagu dooranayo ama lagu diidayo siiyey, sidoo kale, Go’aankii Lagu doortay Mushaarraxa Madaxweynaha ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ee kasoo baxay golaha dhexe ee Xisbiga Ucid, Ansax ku yahay sidaa, balse waxa ansixinta u baahin ee Shirweynaha loogu riixayo  waxay tahay. Sidaan soo socota, Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisu waxay ka yimaadeen heshiiskii labada garab wada galeen, sidaasi daraadeedna waxay qayb ka yihiin heshiiska, isla markaana heshiiskii waxa laga ansixinayey gole dhexe iyadoo mar kale Shirweyne aan caadi ahayn lagu sii ansixin doono.

Waxa kaloo, iyana aad u muhiim ah oo go’aanka Guddida kamid ahaa, qodobka 6-aad oo odhanaya Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhameystirmaysaa marka shirweynuhu ansixiyo, umana baahnabay yidhaahdeen Shir gole dhexe oo danbe oo lagu ansixiyo. Fasiraada qodobkaa waxa looga jeedda Jamaal Cali Xuseen waa Musharrax oo gole dhexe ayaa doortay, balse mar hadii uu qayb ka ahaa heshiiskii la galay ee dhaqan galay, waxaa uu ku dhameystirmayaa Shirweyne aan caadi ahayn, sidoo kale, qodobkaa waxay Guddidu daboolka qaaday Cidda doorata Musharrax inay tahay gole dhexe, waxanay intaa raacisay in gole dhexe doortay Jamaal oo aanu kusoo noqoneyn, waxanay sheegen in aanay Cidina la tartami Karin, waayo Shirweynaha laguma doorto Musharraxa Xisbiga ee waxa isagga dooranaya golaha dhexe sida ku cad Xeerka Xisbiga, hase-yeeshee waxa halkaa ku jira oo shaqadda Shiweynahana kamid ah in la bedeli karo Gudoomiyaha oo Shirweyne isagga lagaga tuurayo ama loogu cusbooneysiinayo muddo xileed kale. Waxa kaloo xusid mudan shirkii golaha dhexe ee hore usoo dhacay inuu soo doortay Musharraxa Madaxweynaha Ucid, haddana aanu u baahnayn in markale gacanta loo taago ilaayo intaa uu ka qayb gelaayo tartan doorasho.
qodobka 8-aad isaggu waa Amar ay Guddid bixisay waxanu amrayaa in sidiisii loo dhaqan geliyo oo la qabyo-tiro heshiiskii Isbahaysiga Ucid uu kusoo baxay, waxanay daliilo usoo qaateen qodobadii Heshiiska oo ah kuwii saamiga lagu qaybsaday iyo sidoo kale, hoggaankii xisbiga oo la kala saaray, sida Gudoomiyaha iyo Musharraxa iyo weliba xilalka kale oo si siman loo qaybsaday.

Haddaba, marka la eeggo Fursadaha garabka kale la siiyey waxa ka muuqdo inaanay faa’iddo ugu jirin weliba loo eeggo Siyaasadda Faysal Cali Waraabe, waxay guddidu kasoo xidhay al-baab uu Dastuurka Somaliland iyo ka Xisbiguba hore uga ooddeen oo ahaa inuu Mar kale isku soo sharraxo,Musharraxnimada Doorashadda Madaxtooyadda, isaggoo laba jeer oo hore u tartamay, kuna guuldaraystay, balse Guddidu waxay hor dhigtay Dayr adag oo waxay meeshaba ka saareen Tartan laala galo Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Sidoo kale, waxay Faysal Cali Waraabe Guddidu ka reebtay Xisbii uu Tuurta ku sitay, oo ay ka dhiggeen mid ay kusoo dabeeleen Saxaddii Xisbi qaranimo, la soco qaybaha danbe.

W/Q

Wariye Cabdicasiis Bashiir Nor.

c.casiis98@hotmail.com/ 4144434

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews