Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 22aad Ee Ka Baxda Jaamacada Camuud.
September 3, 2023 - Written by admin
Borama(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka qeybgalay Xafladda Qalin-Jebinta dufcadii 22aad oo ay ka qalin jabiyeen arday gaadhaysa 1,034-arday kuwaasi oo dhamaystay qeybaha kala duwan ee waxbarashada Jamaacada Camuud.
