berberatoday.com
Guddida Qaban-qaabadda Shirweynaha Xisbiga Ucid ee Garabka Musharrax Jamaal oo la Magacaabay Iyo Faysal Cali Waraabe oo ka War-wareegaya Inuu Go’aan Ka Qaato Magacaabista Xubnihiisa
July 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbi ga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa soo saaray Warsaxaafadeed uu ku shaaciyey Shantii Xubnood ee garabkiisa u metelaayey Guddida qaban-qaabadda Shirweynaha Xisbiga Ucid oo dhowaan dhici doonaa. waxanu dhigan yahay War-saxaafadeedkiisu sidan. “WARSIXAAFADEED; UCID Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأة 27/0716
Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Xuseen
Og Musharaxa Jagada Madaxwaynaha
Jamaal Cali Xuseen
Og Gudida Diiwaangelinta Ururada/K.S Xisbiyada
Sumad: Gx-3/04/16
Ujeedo: Magacabista Xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha
Markaan arkay Heshiiskii Midnimada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 12/07/2012

 

Markaan arkay Go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee ku taariikhsan 28/10/2012
Markaan arkay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Kala Saaridda Xisbiyada Qaranka
Markaan arkay xaaladda cakiran ee khilaafka gudaha Xisbiga iyo baahida Xisbigu u qabo in sida ugu dhakhsaha badan uu Shirwaynaha aan caadiga ahayn ee Xisbigu u qabsoomo si gebi ahaanba loo soo af jaro khilaafka xisbiga
Waxan halka kuugu soo gudbinayaa liiska magacyada 5tii xubnood ee Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha JAMAAL CALI XUSEEN
Aaden Suld. Cabdiraxmaan Suldaan Diirye
Xuseen Caynaan Faarax
Xuseen Xasan Badmaax
Aadan Cali Yoonis
Cali Maxamed Xasan
Hadaba waxanu u aragnaa in wakhtigu cidhiidhi inagu yahay oon loo baahnayn in aynu lumino maalin keliya si Shirwaynuhu ugu qabsoomi karo 45 maalmood gudahood, sida ku cad go’aanka Gudida Diiwaangelinta. Waxan soo jeedinayaa in 10ka xubnood ee Gudida Qabanqaabadu ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan maalinta Sabtida 30/07/16
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Cali Maxamed Yussuf
G/xigeenka 3aad

 
Berberatoday.com 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews