berberatoday.com
Alle Ha Unaxariisto Mulaxamaystihii Weynaa ee Bashiir Xadi Axmed oo Borama Ku Geeriyooday
October 1, 2023 - Written by admin
INNALILAHI WA INA ILEYHI RAAJICUUN Allaha u naxariisto Abwaan/Mulaxamiiste/Fannaan #Bashiir_Xaddi_Axmed oo galabta ku geeriyooday Boorma. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo samir iyo iimaan ayaan leeyahay qoyskiisii, qaybaha fanka soomaaliyeed iyo dhammaan ummada soomaaliyeedba.
Runtii Bashiir ummada badankeed ma garanayso , laakiin waa mulaxamiste wayn oo laxameeyey heesaha soomaalida ugu caansan oo ay ka mid yihiin 8 heesood ah kuwii ku jiray ruwaayaddii haddimo 1967 oo ay ka mid yihiin heesaha ( ninkii haddimo taliyow adigaa u halis……..heesta kale ee: dheel dheel ma joogtee oo magool iyo qaasaali wadda qaadaan……heesta hawraarsanteenii ka hadhoo ka hawl yaraysaad ileedahay……heesta suleekhay aragaagu nafta waa u samir siis oo ay qaadaan Ahmed Mooge iyo Maxamed Nuur Giriig…… heesta tukubaan u baahnee tusan baynu leenahay). Ruwaayadaha uu heesahooda laxameeyey waxaa ka mid ah
Sidoo kale ruwayaddaha ay ka mid yihiin gaaraa-bildhaan, jeel iyo jacayl oo badi heeseheeda ay wadda qaadayeen Abdikhadar Xasan Laari iyo Hibo Mahamed Hoddoon, badi heesihii ku jiray ruwaayaddii Shabeel naagood iyo kuwo kale oo badan. Heesaha ugu caansan waxaa ka mid ah, ee uu laxanka u sameeyey
1.Baybaygii jamaamiyo canbe jilib ku yaalaay
2. Heesta hoombaro libaax bay soo waddaa oo Bashiir iyo Hibo Maxamed wada qaadayeen
3. Caashaqan ku dhaga tiray afka lagama dhawree oo ay Magool qaado
4. Heesta daalloo tus helay .. oo ay qaado Hibo Maxamed Hodoon
5. Heesta caanka ah ee Waabaa beryey bilicsan arooryo baxsan.
6. Dax lamoodyow adaan ku doortay oo ay qaadaan Hibo Mohamed iyo Ahmed Mohamed Kulluc
7. Iyo boqolaal heesood oo kale oo caan ah xaqiiqdii.
Bashiir Xaddi waxa uu qaadaa heeso badan oo laftigiisu waxa uu ahaa abwaan, fannaan iyo laxamiste iyo muusigiste intaba wuu ahaa.
Bashiir Xaddi waxa uu ka mid ahaa Muxalamiistayaasha ugu caansan soomaalida ilaahay samir iyo iimaan buuxa haka siiyo dhammaan bahdii fanka ee uu la soo shaqeeyey gaar ahaan kooxdii Waaberi iyo dhammaan ummadda soomaaliyeed ba tacsi gaar ah ayaan udirayaa Dr Xaddi Bashiir Dr Awatif Bashir iyo dhammaan qoyskiisa oo dhan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews