berberatoday.com
𝗤𝗢𝗥𝗦𝗛𝗘 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗞𝗔 𝟮𝟬𝟮𝟰 ( 𝗠𝗜𝗜𝗦𝗔𝗔𝗡𝗜𝗬𝗔𝗗𝗔 ) 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗔𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗨 𝗚𝗘𝗗𝗔𝗔𝗠𝗔𝗡 !W/Q Maxamed Dhimbiil
October 2, 2023 - Written by admin
𝗤𝗢𝗥𝗦𝗛𝗘 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗞𝗔 𝟮𝟬𝟮𝟰 ( 𝗠𝗜𝗜𝗦𝗔𝗔𝗡𝗜𝗬𝗔𝗗𝗔 ) 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗔𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗨 𝗚𝗘𝗗𝗔𝗔𝗠𝗔𝗡 !
Waxa la bilaabay bishii Sept 2023 odorosidda qorshaha maaliyadeed ee dalku ku shaqeynayo sanadka inagu soo fool leh ee 2024 , waxaana loo raacayaa xeerarka maaliyada ee xeer lr.75 iyo Xeer lr.76 iyo siyaasada wasaaradeed ee uu hogaamiyo wasiirka horumarinta maaliyada jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba waxa isweydiin leh qorshe maaliyadeedka sanadka 2024 muxuu kaga duwanaan doonaa sanadihii ka horeeyey? Waa maxay waayaha iyo duruufaha ku gedaamani ? maxaa horumar iyo himilo umadeed ku jiri kara oo soo kordhaya ? Maxaa mudnaanta la siin doonaa miisaaniyada sanadka 2024 ?
Inkasta oo dhaqaalaha dalkeena ka soo baxa iyo baahiyaha yaalaa marwalba kala badan yihiin haddana waxa mudan qofwaliba oo muwaadin ah iyo deegaan walba oo dalka ahi in ay dareemaan isbadelka iyo horumar oo sanadba sanadka ka dambeeya ay ka daboolantaa baahi dhibaato weyn ku haysay dadkeena.
Aan soo ururiyo e laba sano ka hor waxaa golaha wasiirada laga ansixiyey siyaasada odoroska miisaaniyadu in ay noqoto sadex sanadood oo la sameeyo qorshe maaliyadeed qaran oo wax lagaga sii talo galo sanadaha soo socdana iyada oo laga qiyaas qaadanayo sanadkii la soo dhaafay iyo ka lagu jiro.
Haddaba sanadihii aynu soo dhaafnay dakhliga dalku hoos buu u dhacay oo sidii la filayey waa noqon waayey , waxaa kale oo yimi culeysyo ganacsatada dalkeena kaga yimi dalalka iyo dawladaha ay wax ka soo iibsadaan , sidoo kale waxaa wax laga badelay habkii badeecadaha ganacsigu ku iman jireen dekeda oo waxaa loo badelay koontiinaro oo wax ka bedalay sidii badeecaduhu u iman jireen iyo khadadkii maraakiibta ee hore loo isticmaali jirey ( shipping lines )
, khidmada dekeda oo lafteedu korodh ku yimi , iwm.
Dhacdooyinkani dhamaantood waxa ay saameyn taban ku yeesheen dakhligii dalka oo hoos u dhac ayaa soo baxay , sidoo kale ma jiraan ilaa hadda kaabeyaal dhaqaale iyo ilo dakhli oo waaweyn oo dalkeena ku soo kordhay marka laga reebo laba meelood oo kala ah Suuqa xorta ah ( Freezone) iyo dekeda maydh oo aan iyaguna wali taabo galin.
Haddaba marka aad eegto maanta iyo xaaladaha dalku ku sugan yahay oo dagaaladii socday sanadkii dhamaaday oo dhan ay yeesheen saameyn dhaqaale ( economic impact) taabtay dakhliga dawlada iyo ka dadka jamhuuriyada Somaliland ba waxaa la isweydiinayaa su’aalaha aynu kor ku soo sheegnay oo dhan .
Waxa aynu dhawri doonaa qorshaha wasiirka iyo wasaarada ee sanadku halka uu qaranka u jiheeyo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews